Somali News

Xiisad u dhaxeysa maamulka iyo mucaaradka Puntland oo ka taagan magaalada Garoowe

Ciidamo taabacsan mucaaradka Puntland ayaa saakay waaberigii, waxay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen qeybo kamid ah magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Dhaqaaqyada ciidamadan ayaa yimi, ka dib markii ay ku eedeeyeen madaxweyne Deni, inuu magaalada Garowe soo galiyay ciidamo iyo gaadiid dagaal.

Ciidamadan oo kasoo baxay fariisimahooda ayaa difaac ka xirtay aagga hotel Cadduun. Hase ahaatee goor dambe ayay dib uga durkeen, ka dib markii waan waan loogu tagay.

Dadka shacabka e dagan magaalada Garowe ayaa qaarkood bilaabay in ay ka barakacaan magaaalada.