Somali News

Xildhibaano ka tirsan Somaliland oo mooshin ka gudbiyay Xukuumadda Biixi

Xildhibaano tiradooda lagu sheegay 26 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Guddoonka golahaas u gudbiyay mooshin ay arrin kaga diidan yihiin Xukuumadda Muuse Biixi.

Mooshinka Xildhibaannada ay u gudbiyeen Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa dhigaya in Madaxweynuhu uusan golaha kusoo celin karin mas’uul uu soo magacaabay, kaas oo waayay codka kalsoonida ee golaha.

Tani ayaa ka dhigan in Madaxweynaha Somaliland uusan markale golaha Wakiillada horkeeni karin mas’uul aysan siin codka kalsoonida, balse mida u furan ay tahay inuu mas’uul kale kusoo badalo.

Sidoo kale, tallaabada ay qaadeyn Xildhibaannadaan ayaa ka dambeysay, kadib markii Xukuumadda Muuse Biixi ay qorsheyneysay in Golaha Wakiillada Somaliland ay horgeyso mas’uuliyiin hore ugu waayay codka kalsoonida, iyadoo aan la ogeyn go,aanka uu Guddoonka arrintaan ka qaadan doono.