Somali News

Xiliga uu furmayo Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka la shaaciyay

Muqdisho-KNN-Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa maanta shaaciyay xiliga uu furmayo Kalfadhiga 5aad ee Golaha shacabka oo kadib dhacay xiligii loo balamay in la furo, taas oo ku beegneed 10ka bishaan.

Kulan ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka islamarkaana uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu sheegay in 27-ka bishaan uu furmayo Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka.

Hadii uu furmo Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka 27-ka bishaan oo ku beegan maalin Arbaco ah, ayaa waxay ka dhigantahay in 17 maalmood uu dib uga dhacay waqtigii loo qorsheeyay oo aheyd 10-ka bishaan.