Somali News

Xubno ka tirsan dekadda Muqdisho oo xabsiga la dhigay

Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka ayaa goordhaw waxa ay xabsiga dhigeen lix qof oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen waaxda canshuuraha dekadda Muqdisho.

Lixdan qof ee la xiray ayaa waxaa la sheegay in loo haysto arrimo musuq la xiriira, dadka la xirayna waxaa kamid ah, maamule ku xigeenkii furdada dekadda Muqdisho, warar kale oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in warqadda qabashada loo jaray muumulaha furdada Samoow balse kuma jiro lixda qof ee la xiray.

Dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa dhowr qof oo madax ah xabsiga dhigtay iyada oo la sheegay in ay wax isdabamarin sameeyeen.