Templates by BIGtheme NET

Author Archives: admin

DHAGEYSO:-Barnaamijka Ogaal (19-10-2017)

Muqdisho-KNN:-Dhegeystayaasha ku xiran Webset-ka Radiokulmiye.net waxaan halkaan idin kugu soo gudbineyna Barnamijka ogaal waxaana halkana idin ka soo jeedin doono:-Maxamed Cabdisalaam Cumar:-

Farsamadii:- Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkaan Ka dhageyso Barnaamijka ogaal oo dhameytiran:-

Talyaaniga oo Malaayiin doolar ugu deeqay Soomaali,si wax loogu qabto dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada dalka Talyaaniga ayaa lagu sheegay in ay ku deeqday lacag dhan 300,000 oo Euro si ay u siiso Bisha Cas ee Soomaaliyeed,kadib Qaraxii lagu xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsanin ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen,kaaasi oo ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wasiir  Angelino Alfano ayaa waxaa uu tilmaamay in Talyaaniga uu taageeradiisa Soomaliya uu sii wadi doono,balse si gaar ah waxaa lagu sheegay in talyaaniga ay door muhiim ah ka qaadanayso sidii ay gurmad ugu fidin laheyd muwaadiniinta soomaaliyeed ee lagu laayay isgooska Zoobe.

“Waxaan balanqaadaynaa inay sii wadi doono taageerada aan siinayso Soomaaliya,300,00 oo Euro waxaan ugu tala galnay in wax looga qabto Dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay isgooska Zoobe ee Magaalada” Sidaasi ayaa waxaa lagu yiri warkan qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska wasiirka arimaha dibada Dalka Talyaaniga.

14 Bishan ayay markii Shacab aan waxba galabsan lagu xasuuqay isgooska zoobe ee magaalada muqdisho,iyadoona Dad badan ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen,inkastoo markii ay mashaqada dhacday ay dalal badan gurmad u sameeyay Shacabka ku dhaawacmay qaraxa.

Hayeeshee weli waxaa soconaya gurmadka loo sameynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay isgooska Zoobe ee Muqdisho.

Dhageyso:-Barnaamijka Falanqeynta Wararka (19-10-2017)

Muqdisho-KNN:-Dhegeystayaasha ku xiran Webset-ka Radiokulmiye.com waxaan halkaan idin kugu soo gudbineyna Barnamijka Falan qeynta …Waxa halkan ka soo jeedin doona wariye:–Xuseen Cabdulle Maxamed:-

Farsamadii:-Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan  Ka Dhageyso BarnaamijkaFalanqeynta:

Al-Shabaab oo sheegatay dilka Xildhibaan ka tirsan Jubbaland.

Kismaayo-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay dilkii ka dhacay Kismaayo ee loo geestay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa sheegay in dilkaasi ay ka danbeeyeen waxayna sheegeen in dilkaas uu yahay kii ugu horeeyay oo loo geesto Xildhibaan ka tirsan Jubbaland.

In kastoo Al-Shabaab ay sheegteen dilkaasi ayaa warar kale oo ay heshay KNN ayaa xaqiijinaya in dilka Xildhibaanka uu salka ku haayo muran kala dhaxeeyay Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland murankaas oo ka dhashay is qab qabsi la xariira dhul ku yaala Kismaayo.

 

DHAGEYSO:-WARKA SUBAX EE RADIO KULMIYE 8:00AM (19-10-2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii saakay ee ka baxay Radio Kulmiye. Warka saakay Waxaa si wadajir ah u aqrinayay ah aqrinayay:- Maxamed Qeys  Xasan Maxamed  iyo Xasan Maxamed Aweys:-

Farsamadii:-Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan Riix si aad u dhageysato Warka Subax ee KNN:-

DHAGEYSO-:Kacdoonka Shacabka ee ka dhashay Qaraxii Zoobe ma sii socon doonaa?

Muqdisho-KNN-Prof. Maxamed Caalim oo ah aqoon yahaan ka Faalooda Arimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah gobalada Soomaaliya.

Caalim ayaa sheegay in kacdoonkaan uu yahay mid muujinaya Carada ka dhalatay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe 14-kii Bishaan iyo dhibaatooyin kale oo Al-Shabaab waqtiyo is xig xigay ay ka geesteen magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya.

Shacabka ayuu sheegay in ay dulqaadan waayeen kadibna ay soo banaan baxeyn taasina ay muujineyso in Mustaqbalka Al-Shabaab uu mugdi sii galayo balse loo baahan yahay in Dowladda Soomaaliya ay ka faa’ideysato Kacdoonka Shacabka.

Halkaan ka dhageyso Wareysiga Prof. Maxamed Caalim.

DHAGEYSO-:Dhaawacyadii loo qaaday Suudaan oo la dhigay Isbtaalo aan tayadooda Wanaagsaneen.

Muqdisho-KNN-Waxaa laga deyrinayaa Xaaladda Caafimaad dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ee magaalada Muqdisho ee la geeyay Isbtaalo ku yaalo magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan.

Qaar ka mid ah Waalidiinta la socda Bukaanada loo qaaday Suudaan ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in aysan helin wax daryeel Caafimaad ah lana dhigay Isbitaal ay Dowlada maamusho oo aan lagu shaqeyn Sanadihii la soo dhaafay.

Dadka aan la hadalnay iyo sidoo kale Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee Suudaan ayaa sheegay in Isbitaalka la dhigay ay qeyb ka mid ah ka socoto dhismo halka qeybta ay jiifaan oo tayo wanaagsan laheyne laguna tababaro Ardayda Caafimaadka Barta.

Hoos ka dhageyso Wareysi qof ka mid ah dadka la socda dhaawacyada.

120106_057 - My Recording     

 

Faah Faahin ka soo baxeyso Xildhibaan lagu dilay Kismaayo.

Kismaayo-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dilka Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xakiin Jaamac Cumar “Tima Farasle” oo ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Jubbaland kaas oo xalay Fiidkii hore lagu dilay Kismaayo.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Marxuumka ay toogteen Labo nin oo hubeysan kuwaas oo dilka ka dib la sheegay si Cabsi la’aan ah in ay magaalada u dhaxmareyn mana jirto wax dadaal oo ay Samaayeen Laamaha amaanka Jubbaland.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Kismaayo ayaa KNN u xaqiijiyay in Marxuumka la dilay loo maleynayo in dilkiisa aysan ka danbeyn Al-Shabaab balse lagu tuhmaayo in uu salka ku haayo muran dhinaca Dhulka oo maalmihii la soo dhaafay ka dhex taagnaa Xildhibaanka iyo Saraakiil kale.

Laamaha amaanka Jubbaland oo aan la hadalnay ayaa ka gaabsaday in ay Faah Faahin ka bixiyaan dilkaasi, balse Shacabka Kismaayo ayaa kuu sheegayo in dilka Xildhibaan Tima Farasle uu salka ku haayo muran dhinaca Dhulka oo maalmihii la soo dhaafay ka dhex taagnaa Marxuumka iyo Xubno kale oo ka tirsan Jubbaland.

Wararka kale oo dheeraad ah oo aan ka helnay Kismaayo ayaa xaqiijinaya in Marxuumka uu dilkiisa geesaty nin ku libisan dareeska Ciidanka Nabad Sugidda Jubbaland kadibna goobta ka baxsaday.

Waa markii ugu horeysay oo Bartamaha Kismaayo lagu toogto Xildhibaan ka tirsan Jubbaland ama Mas’uul xil Culus ka haayo Maamulkaasi.

Somalian president vows revenge against al-Shabaab after deadly blast.

Tens of thousands of people took to the streets in Somalia’s capital, Mogadishu, on Wednesday to show their frustration with repeated attacks by Islamist terrorist group al-Shabaab, after a weekend truck bombing killed almost 300 people.

Protesters wore red bands around their arms and heads in support of the families of the victims of the most recent attack. Some carried placards addressed at al-Shabaab that read, “Stop killing innocent people.”

“We are telling [al-Shabaab] that we are ready to take up arms and fight them from now on,” a 16-year-old protester told dpa in Mogadishu.

The march took the people through the city and to a rally at its Konis satdium, where President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo vowed the government would soon take revenge on those behind the attack.

Speaking before thousands of protesters, the president called on Somalis to united to kick al-Shabaab out of the country.

“This massacre was far from humanity and shows the ruthless of al-Shabaab. … We have to unite to defend our people.”

He promised the creation of a new task force to take on al-Shabaab

“We must get ready to go at front lines and I will be the first person to enlist for the new task force” the president said as he laid out plans.

Demonstrations against the extremists also took place in Somalia’s volatile Puntland, Jubaland and Galmudug regions.

Protesters wore red bands around their arms and heads in support of the families of the victims of the most recent attack. Some carried placards addressed at al-Shabaab that read, “Stop killing innocent people.”

“We are telling [al-Shabaab] that we are ready to take up arms and fight them from now on,” a 16-year-old protester told dpa in Mogadishu.

The march took the people through the city and to a rally at its Konis satdium, where President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo vowed the government would soon take revenge on those behind the attack.

Speaking before thousands of protesters, the president called on Somalis to united to kick al-Shabaab out of the country.

“This massacre was far from humanity and shows the ruthless of al-Shabaab. … We have to unite to defend our people.”

He promised the creation of a new task force to take on al-Shabaab.

“We must get ready to go at front lines and I will be the first person to enlist for the new task force” the president said as he laid out plans.

Demonstrations against the extremists also took place in Somalia’s volatile Puntland, Jubaland and Galmudug regions.

At least 281 people were killed and 300 others injured when a suicide bomber detonated a truck filled with explosives at a busy intersection in Mogadishu on Saturday. It was the deadliest single attack in the volatile East African nation’s history.

Before detonating the truck he was driving, the suicide bomber had raced along a Mogadishu street at high speed, rolling over motorcycles and cars and shunting vehicles stuck in traffic.

Farmajo called the attack a national tragedy.

Police said Wednesday they had made several arrests in relation with the bombing, but did not provide further details.

No group has claimed responsibility for the attack but many suspect al-Shabaab, a militant group affiliated with the al-Qaeda terrorist network, which is seeking an Islamist state in Somalia.

A 22,000-strong African Union force supports the Somali military in its fight against the terrorists.

By Mohamed Odowa, dpa.

 

DHAGEYSO:-Barnaamijka Xog Wareysi (18-10–2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha ku xiran Website-ka radiokulmiye.com waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijkii caawa ee Xog Wareysi. Barnaamijka oo dhameystiran waxaa halkaan idin kaga soo jeedin doona:-Xuseen Cabdulle Maxamed

Farsamada:Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan  Ka dhageyso Barnaamijka Xog Wareysi:-