Templates by BIGtheme NET

Author Archives: Marwaan

AMISOM oo War ka soo saartay Weerarkii lagu qaaday Ciidankeeda Gobolka Sh/Hoose

Iyadoo Weerar isugu jira Qarax iyo Mid toos ah Maanta lagu Weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa Midawga Afrika Ee AMISOM oo marayay qeybo ka mida Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa Weerarkaas ka hadlay Afhayeenka Ciidamada AMISOM Wilson rono, wuxuu xaqiijiyay in qarax iyo dagaal toos ah ay la kulmeen ciidamada AMISOM, laakiin wuxuu sheegay inuusan xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi.

“Kolonyo ciidamadeena oo marayay meel u dhow degmada Afgooye ayaa waxay la kulmeen qarax iyo dagaal toos ah, iyadoo ciidamada ay sameeyeen iska caabin, lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay weerarka, dib ayaan ka soo sheegi doonaa macluumaadka saxda ah”

Masuuliyiinta dowlada ee Gobolka Shabeelaha hoose oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in wali aan la kala cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo dagaalka balse ay wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen,waxaana Wararku ay sheegayaan in dad Shacab ah ay Dhimasho iyo Dhaawac ay ka soo gaartay Rasaas ay fureen Ciidamada AMISOM ee la Qarxiyay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku soo laabtay

Muqdisho–KNN–Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safari shaqo uu ku kala bixiyay wadamada Jabuuti Itoobiya iyo Yugandha oo ciidamadooda joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in guulo ay ku soo dhamaadeen dhamaan safaradii dalakaasi uu ku tagay waxana uu sheegay in ay ka aqbaleen sidii ay Soomaaliya uga gacan siin lahaayeen dagaalka cusub oo lala galayo Al-shabaab.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in marna Dowladda Soomaaliya aanay u dulqaadan doonin gumaadka Shabaab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed,isagoo muujiyaya sida dowladdu ay uga go’antahay in laga saaro dalka oo dhan.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada Qorshe Dagaal oo Al-shabaab looga saarayo Degaanada ay ka joogaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ugaarsiga lagu hayo Maroodiga oo Hoos u dhacday

Waxaa sanadkii la soo dhaafay daafaha dunida lagu qabtay tiradii ugu badneyd ee faanta maroodiga ee sida sharcidarrada ah looga ganacsado.

Hasayeeshee dhanka kale waxaa hoos u dhacay ugaarsiga maroodiga, sida lagu sheegtay warbixin cusub oo soo saartay hay’adda CITES oo ah hay’ad caalami ah oo maamusha ganacsiga dhirta iyo xayawaanka sii dabar go’aya.

40 ton oo faanta maroodiga ah ayaa la qabtay, hasayeeshee ugaarsiga maroodiga ee guud ahaan qaaradda Afrika ayaa u muuqda in inta badan deegaanada uu ka sii dhammaanayo.

Qaaradda ayaa tobankii sanno ee la soo dhaafay waxa ay ugaarsiga maroodiga ku waysay 111 kun oo maroodi.

Warka fiican waxaa uu yahay kaddib toban sano oo ay sare u kacaysay ugaarsiga maroodiga ee qaaradda Afrika, heerkii loo dilayay faanta maroodiga hoos ayay u dhacday, gaar ahaan Afrikada bari, oo iyadu kala bar maroodigeedii ku wayday ugaarsigaas tobankii sano ee la soo dhaafay.

Hase yeeshee xayawaankan weli qaaradda waa lagu dilaa, tirada maroodiguna hoos ayay u sii dhacday, sida ay sheegtay warbixin ay soo saartay hay’ad maamusha ganacsiga dhirta iyo xayawaanka sii dabar go’aya oo magaceeda loo soo gaabiyo CITES.

Waxay sheegtay in 40 ton oo faanta maroodiga ah la qabtay saandkii hore taas oo ah tiradii ugu badnayd ee abid gacanta lagu dhigo, lagana yaabo inay taasi ku timid wacyi gelin wanaagsan oo dadka loo sameeyay iyo sharciga oo si fiican loo dhaqan geliyay, laakiin waxaa kaloo ugu wacan faanta maroodiga wax yar ayaa halkii marba la dhoofiyaa.

Waxaa jirtay kororsiimo tirada faanta maroodiga ee lagu qariyay farsamooyin macdanno la qoray sida dahabka iyo kuwa kale ee qaaradda Afrika, halkii faan maroodi oo caadi ah loo dhoofin lahaa qaaradda Aasiya oo ay sahlan tahay in dhexda lagu qabto.

Xoghayaha guud ee hay’adda CITES, John Scanlon, waxaa uu sheegay in dadaalka wada jirka ah ee caalamka uu bilaabayo inuu miro dhalo, laakiin waxaa uu intaas ku daray in weli aanay gaarin halkii ay rabeen.

Xigasho BBC

Faah-faahin Al-shabaab oo Xalay Weeraray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose

Afgooye–KNN– Dagaalameyaasha Hubeysan Ee Al-shabaab ayaa Xalay Fiidkii Weerar ku qaaday Fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Dhanka Buunda yare.

Al-shabaab ayaa Dagaalka ay ku soo qaadeen Degmada Afgooye waxaa Barbar socday Bambaanooyin ay ku Garaaceen fariisimaha Ciidamada Dowladda,waxaana sidoo kale halkaas ka dhacay Dagaal Mudo kooban socday oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo la hadlay Saxafadda ayaa sheegay in Shabaab ay Weerar Gaadmo ah ku soo qaadeen Degmada Afgooye,balse Ciidamada Dowladda ay iska Caabiyeen.

Illaa hadda ma jirto Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaaray Labada Dhinac inta uu dhan yahay,iyadoo sidoo kale aan la ogeyn Khasaaraha Dadka Shacabka ah ka soo gaaray Dagaalka.

Al-shabaab ayaa Dhowr jeer Weeraro is xig xiga ku qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose oo Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho 30-KM dhanka Gelbeed ka xigta.

Weeraryahanka Real C.Ronaldo oo ku guulaystay laacibka FIFA ee sanadkan 2017

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay biladda FIFA ee laacibka ugu wanaagsan caalamka ee 2017-ka.

Waa sanadkii labaad ee xiriir ah ee uu ciyaaryahankan biladdaasi uu ku guulaysanayo, taas oo xafladdii lagu bixinayay ay ka dhacday magaalada London.

Weerraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal ayaa ka adkaaday labadii ciyaaryahan ee la tartamaysay ee Lionel Messi oo Barcelona u dheela iyo Neymar oo u safta kooxda Paris St-Germain.

Ronaldo oo 32-jir ah, ayaa xilli ciyaareedkii hore ka caawiyay kooxda Real Madrid inay ku guulaysato Koobka Horyaallada Yurub iyo La Liga-ha Spain.

Lieke Martens oo ka tirsan kooxda Barcelona una dheesha xulka Netherlands ayaa ku guulaysatay haweeneyda ugu wanaagsan kubadda cagta ee sanadkan.

Tababaraha kooxda Real Madrid, Zinedine Zidane, waxa uu isna ku guulaystay biladda tababaraha ugu wanaagsan ciyaaraha kubadda cagta ee ragga, halka tababaraha xulka kubadda cagta haweenka ee Netherlands, Sarina Wiegman, ay noqotay tababaraha ugu wanaagsan ciyaaraha dumarka.

Weerraryahanka kooxda Arsenal, Olivier Giroud, ayaa ku guulaystay biladda Puskas ee goolkii ugu wanaagsanaa sanadkan, kaas oo bishii Janaayo uu ciribta kaga dhaliyay kooxda Crystal Palace.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa gaaray magaalaa Addis Ababa.

Madaxweynuhu ayaa halkaas kula kulmay Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Haile Mariam Desaglen oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada amniga ee wadamada gobolka iyo la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Desaglen dadaalka ay dowladdiisu ku bixineyso nabadeynta Soomaaliya oo ciidamada Itoobiya ay qeyb ka yihiin hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

“Mudane Raiisul Wasaare, waxaan si wayn u wada ogsoonahy in uu sii xoogeysanayo iskaashiga dhinaca amniga ee ka dhaxeeya labada dal. Waxaana rajeynayaa inaan sii xoojinno dadaallada aan ku bixineyno xasilloonida gobolka iyo horumarkiisa.”

Ra’iisul Wasaare Itoobiya ayaa uga tacsiyeeyo Madaxweyne Farmaajo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay Qaraxii Soobe, waxa uuna ballan qaaday in uu garab istaagayo Dowladda Soomaaliya oo dhawaan bilaabeyso hawlgallo military oo dalka looga sifeynayo Al Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Desaglen ayaa ugu baaqay dalalka kale ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya in ay sii labo-laabaan dadaallada lagu dabargoynayo argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka Soomaaliya, dalkiisuna uu doonayo inuu arko Soomaaliya oo ka guulaystay argagixisada, xasilooni darrada siyaasadeed iyo tan amni.

-DHAMMAAD-

M/weyne Trump oo Fasaxay in la Faafiyo Macluumaadka laga hayo Madaxweyne John F Kennedy oo la dilay 1963

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu damacsanyahay in la faafiyo kumanaan dukumenti oo sir ahaa oo ku saabsan dilka madaxweynehii hore ee Maraykanka John F Kennedy oo muddo nus qari iyo dheeraada ka hor lagu toogtay magaalada Dallas.

Fariin uu bogiisa Twitter-ka ku qoray ayuu Trump ku sheegay in uu fasaxi doono in la faafiyo qoraaladda ku saabsan arintan iyo baadhitaanadii la sameeyey ba, wuxuu se intaa ku daray waa hadii uu xog dheeraada helo oo uu ku go’aan qaadan karo

Taariikhyadannada iyo dadka kale ee wax ka qora shirqoollada ee weli ka haddla dilkii madaxweyne Kennedy tan iyo markii uu toogashada ku dilay Lee Harvey Oswald 1963, ayaad moodaa in ay haatan heleen hadal cusub oo ay dib uga doodaan.

Maalinta Khamiista ah ee soo socota ayaa waxa ku eeg muddadii uu ku dhacayey xeer ay shan iyo labaatan sano ka hor uu ansixiyey Congress-ku oo sheegayey in qoraallada rasmiga ah ee dilka madaxweye JF Kennedy tahay sir aan la faafin karin, haatan se waxay dadku si fudud u heli doonaan qoraalladaa hore u qarsoonaa.

Saraakiisha dawladda Maraykanka qaarkeed ayaa laakiin diidan in la faafiyo qoraaladaa waxayna doodooda sabab uga dhigayaan in ay halis ku yihiin nabad gelyada qaranka.

Laakiin madaxweyne Trump ayaa fariin uu bogiisa Twitter-ka ku qoray aad moodda in uu doodda ay qabaan saraakiishaasi ganafka ku dhuftay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland oo dhaawacay Kuxigeenkiisa

Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa ku dhaawacmay rasaas uu riday taliyaha booliska Puntland C/qadir Shire Faarax Ereg, oo isagu rasaastaasi u waday sida la sheegay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne.

Xabadda haleeshay Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa uga dhacday mid kamid ah Lugihiisa.

Wararka ayaa sheegay in gacan ka hadal dhexmaray taliyaha iyo guddoomiyaha ay sababtay in taliyuhu uu bastoolad u xirnayd la baxo oo rasaas ku furo guddoomiyaha Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland.

Goobjooge ayaa u sheegay Warbaahinta in shaqaaqadan ay ka dhacday shir dhinaca amniga looga hadlayay oo ka dhacay hotel ku yaalla Magaalada Garowwe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Shirkaasi waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Booliiska iyo kuxigeenkiisa, Guddoomiyaha Gobalka  Nugaal iyo Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Puntland iyo Mas’uuliyiin kale.

Labadan mas’uul ayaa isku qabsaday mas’uuliyadda amniga gobolka Nugaal gaar ahan ciidanka amniga gudahiisa.

Taliyaha Booliiska Puntland C/qaadir Shire Faarax Ereg ayaa dhowaan waxa shaqadiisa dib ugu celiyay madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas kaddib xil ka qaadis u horay ugu sameyay madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin xaaji Cumar Cameey.

Sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii sidan oo kale gacan ka hadal dhexmaray saraakiil booliska ka tirsan uu dhaawac halis ah ka soo gaaray wasiirkii Amniga xiligaas Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

Madaxweyne Farmaajo oo Safar Deg Deg ah ku tagi doona Wadamada Dariska

Muqdisho–KNN– Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay in Dalalka Dariska la ah Soomaaliya qaarkood uu Safar deg deg ah ku tagi doono si wadamadaas uu u weydiisto Taageero Milatari,Maadaama Dowladda Federaalka ay hadda isku diyaarineyso Qorshe dagaal oo ka dhan ah Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu Tagi doono Dalalka Itoobiya,Jabuuti iyo Uganda oo ka mida Wadamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya,waxaana uu la kulmi doonaa Hogaamiyaasha Dalalkaasi.

Warar ay heshay Idaacadda kulmiye ayaa sheegaya in Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu qaadan doono Afar illaa Shan Maalin,waxaana Booqashada ugu horeysa uu ku bixin doonaa sida uu Qorshuhu yahay Wadanka Uganda oo ah dalka Ciidamada ugu badan ee ka tirsan AMISOM ay ka joogaan Gudaha wadanka Soomaaliya.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Madaxda Wadamada Jabuuti,Uganda iyo Itoobiya oo ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya kala hadli doona sidii Wadamadaas ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga Taageeri lahaayeen Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee Dowladda Soomaaliya ay wado.

Safarka Deg Dega ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu ku aadi doono Wadamada Dariska la ah Soomaaliya qaarkood ayaa imaanaya Xilli Madaxweynaha uu isugu yeeray 28-ka Bishaan Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada in ay Muqdisho yimaadaan si looga wada hadlo Arrimo ay ka mid yihiin in laga Jawaab celiyo Weerarkii lagu Xasuuqay Boqolaalka Shacabka ah ee ka dhacay 14-kii Bishaan Isgoyska Zoobe,iyadoo Wararka qaar ay sheegayaan in Safarka Madaxweynaha uu ka soo horeeyo Shirka u dhexeeya Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Gobolleedyada ee dhici doona 28-ka Bishaan sida uu Qorshuhu yahay.

Madaxweynaha JFS oo Shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Muqdisho, Oktoobar, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28ka Oktoobar, 2017.

Shirkaas ayaa looga arrinsan doonaa hawlo muhiim ah oo horyaalla qaranka, ayna ugu horreyso sidii musiibadii Qaran ee ka dhacday magaalada Muqdisho 14kii bisha Oktoobar 2017 loogu beddali lahaa midnimo Qaran. Qodobada kale ee diirada lagu saari doono shirkaan waxaa kamid ah sidii loo xoojin ahaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga wada hadli doona arrimo muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadaan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn, waxaana ka mid ah dardargelinta nabadeynta dalka, horumarinta hannaanka federaalaynta, dib u eegista dastuurka, habka qeybsiga kheyraadka dalka iyo geeddi socodka doorashada 2020.

-DHAMMAAD-