Templates by BIGtheme NET

Somali News

WARKA HABEEN EE RADIO KULMIYE 8:00PM (17=10=2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xiran Webkeena www.Radiokulmiye.com waxaan idin soo gudbineynaa Warkii Caawa ee Radio Kulmiye waxaa wada aqrinayay:-Maxamed Qeys Xasan Maxamed  iyo Cali Ibraahim Cabdullahi:-

Farsamadii:-Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkan Hoose ka Dhageeso Warka Habeen Ee Radio kulmiye:–

Qaar kamida Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe oo loo qaadayo Wadamada Kenya iyo Suudaan

Muqdisho–KNN– Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa sheegaya in 35 Qof oo ka mid ah Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe loo qaadi doono Dalalka Kenya iyo Suudaan.

Dalka Kenya waxaa loo qaadaya 12 kamid ah dhaawacyadaasi halka 23 kalena ay qaadayso Dowladda Qadar kuwaasi oo lagu daweyn doono wadanka Suudaan,iyadoo dhaqaalaha ku baxaya ay dhiibayso Dowladda Qadar.

Sidoo kale waxaa Garoonka Muqdisho Maanta yimid Saddex Diyaaradood oo ka kala yimid Dalalka Kenya,Suudaan iyo Mareykanka,kuwaas oo keenay Daawo loogu Talo galay in lagula Tacaalo dadka qaban Dhaawacyada.

Waxii ku soo kordha dib kala soco Insha Allah

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Xogtii ugu dambeysay Khasaaraha qaraxii Soobe

Muqdisho–KNN–Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Abdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ayaa soo bandhigay Xogtii ugu dambeysay khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay inay korortay Tirada dhimashada isagoona sheegay inay hada mareyso 281, halka dhaawaca ku dhawaad uu marayo 300, Wuxuuna sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay bixisay lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar oo lagu caawinayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowlada Qatar ay diyaarad u soo dirtay Magaalada Muqdisho, taas oo lagu qaadi doono Dhaawacyada culus, iyadoo la geyn doono dalka Suudaan halkaas oo lagu daweyn doono, waxaana dhaqaalaha ku baxaya bixinaya dowlada Qatar.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Asluubta Xuseen Xasan Cismaan ayaa sheegay inuu bixiyay lacag dhan 2,000 oo Dollar, uu ugu tala galay inuu kaga qeyb qaato gurmad loo sameynayo dadka waxyeelada soo gaartay.

Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya uu ka Gacansiin doono Dhanka Milatariga

Military-ga Wadanka Mareeykanka ayaa sheegay in uu Diyaar u yahy in uu kordhiyo Taageeradda uu siiyo Dowladda Soomaaliya, kadib Qaraxii Muqdisho ka dhacay ee Galaaftay nolosha dad ka badan 300 oo ruux Dhaacna gaarsiiyay in ka badan 430 kae.

“Waxaan Diyaar u nahay in aan taageermo dowladda Soomaaliya markii ay na weeydiisato, waxaan Qorsheeyneeysa waxa aan siin karno” ayuu yiri Afayeenka Pantigonka Mareeykanka.

Mareeykanka ayaa hadda waxaa Soomaaliya uga sugan Ciidamo gaaraya ilaa 400 oo askari kuwaas oo talooyin iyo Tababar siinaya Military-ga Soomaaliya iyo sidoo kale tageero Saanandeed.

Sidoo kale mareeykanku waxaa uu dowadda ka taageeraa Dagaalka ay ku jirto Al-shabaab oo lagu eedeeyay in ay Kadambeeyeen Masuuliyadda Xasuuqii Soobe.

Afayeenka u hadlay military-ga Mareeykanka ayaa sheegay in Dowadda Soomaaliya ka gacansiinayaan sidii looga adkaan lahaa kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Ma uusan sheegin Nuuca taageero ay u Diyaariyeen in Dowladda ay Soomaaliya ku garab Istaagaan laakiin waxaa uu sheegay in hadda Wadaan Qorsha Nuuca ay Noqoneeyso Taagerradda ay Soomaliya Siinayaan.

Hadalka uu soo saaray Military-ga Mareeykanka ayaa waxaa uu kus oo aadayaa iyadoo Midowga Africa uu bulshadda Caalamka u gudbiyay Codsi Balaaran oo uu ku dalbanayo Dowladda Soomaaliya aga Gacansiiyo Dagaalka ay kula jirto All-shabaab.

Al-shabaab oo la sheegay in ay Gudaha u galeen Magaalada Laasqori Ee Somaliland

Laasqori–KNN–Wararka naga soo gaaraya magaalada laas qoray ee gobalka  sanaag ayaa sheegaya in dagaalamayal badan oo ka tirsan Al-Shabaab oo ka yimid Buuraleyda galgala ay Gudaha u galeen Magaaladaas,iyadoona Kadib Halkaasi ka taagtay Calkooda  Madowga ah ee lagu yaqaanay Ururka Al-Shabaab.

Waxaana la sheegay in Boqolaal Al-Shabaab ay lug ku soo galeen magaalada laasqoray,islamarkaana halkaasi mudo saacado ah ay maamulayeen.

Dadka Deegaanka oo la hadlay idaacadda kulmiye ayaa sheegay in Al-Shabaab markii ay gudaha u soo galeen Magaalada ay khudbad u jeediyeen Dadka Shacabka ah ee ku nool Magaalada laasoqoray ee gobalka Sanaag.

Hayeeshee Shacabka ku  dhaqan laasqoray ayaa Cabsi ka muujiyey Dagaalamyaasha Al-Shabaab oo gudaha u soo galay magaaladaas,inkastoo qaarkood la sheegay inay bilaabeen inay ka barakacaan Magaalada Laasqoray.

Ururka Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe waxaa  ay weeraro ka geysanayeen magaalooyinka uu ka arimiyo maamulka puntland,maadaama la sheegay in boqolalkan dagaalamayaal ay ka soo baxeen buuraleyda galgala ee gobalka barri oo dhowr jeer ay ku dagaalameen Ciidamada Puntland iyo kuwa Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

DHAGEYSO:-WARKA DUHUR EE RADIO KULMIYE(17-10-2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii duhur ee ka baxay Radio Kulmiye.

Warka Maanta Waxaa si wadajir ah u aqrinayay:Maxamed Axmed Maxamuud {Turyare} iyo Farxiyo Xuseen Cali:- 

Farsamadii:-  Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkaan Ka Dhegeyso Warka duhur Ee Radio Kulmiye KNN:–

War Deg Deg ah:- Diyaaraddii ay soo dirtay Dowladda Qadar oo hadda timid Muqdisho

Muqdisho–KNN– Diyaarad Milatari oo laga leeyahay Wadanka Qadar ayaa hadda ka soo degtay garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho,waxaana ay qaadi doontaa 37 Qof oo ah kuwa Qaba Dhaawacyada halista ah islamarkaana ka mid ahaa Dadkii lagu Xasuuqay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Garoonka Aadan cadde ayaa hadda waxaa ku sugan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid cabdi Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan,waxaana sidoo kale tagi doona Madaxweynaha Soomaaliya ama Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda si ay uga qeyb galaan oo ay u Sagootiyaan Dadka Qaba Dhaawacyada ee la qaadayo.

 

Golaha Abwaanada oo ka Tacsiyeeyay Qaraxii lagu Xasuuqay dadka Shacabka ah

Muqdisho–KNN–Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed magaalada muqdisho ayaa waxaa ay ka taciyeeyeen xasuuqii 14-kii bishan ka dhacay muqdisho iyo sidoo kale xubin ka mid ahaa golaha abwaanada oo geeriyooday.

Gudoomiye ku xigeenka golaha abwaanada soomaaliyeed Abwaan Xirsi Dhuux Maxamuud iyo Abwaan Daahir Abuukar Maxamed Qalafoow oo la hadlay idaacadda kulmiye kulankooda kadib ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka tacsiyadeeynayaan dhibka ka dhashay qaraxii xooganaa ee ka dhacay magaalada muqdisho.

Sidoo kal Waxaa ay tacsi u direen ehelkii iyo asxaabtii iyo guud ahaan umada somaliyeed uu ka geeriyooday Maxamed Axmed Sheekh ceynba ceyn oo ahaa musikiiste xubina ka ahaa golaha Abwaanada Soomaaaliyeed oo ku geeriyooday muqdisho.

Golaha abwaanada ayaa ugu dambeyn waxaa ay umada soomaaliyeed ugu baaqeeyn inay rabbi u towbad keenaan oo ay badiyaan rabbi tuuga, si looga baxo dhibaatada mudada dheer ee ka jirta dalkeena iyo dadkeena heysata.

14 Bishan ayay Aheyd Markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay dad shacabka ah lagu xasuuqay uu ka dhacay isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Diyaarad Mareykanka laga leeyahay oo Daawo sidda oo ka soo dagatay Garoonka Aadan Cadde

Muqdisho–KNN– Diyaarad Milatari oo laga leeyahay Wadanka Mareykanka islamarkaana sidda Gurmad Caafimaad ayaa Goor Dhow soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Ee Aadan cabulle Cismaan Aadan Cadde.

Diyaaradda oo ka timid Dalka Mareykanka ayaa wadda Daawo,waxaana looga dajiyay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Diyaaradaan laga leeyahay Wadanka Mareykanka ee Muqdisho timid ayaa Daawada ay keentay waxey qeyb ka tahay Gurmadka lagu Samatabixinayo Dadka qaba dhaawacyada Halista ah,iyadoo sidoo kale Shalay ay Dalka yimaadeen Diyaarado sida Gurmad Caafimaad,kuwo kalena maanta la sugayo in ay yimaadaan.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Sabtidii la soo dhaafay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhow 500 oo Ruux,waxaana inta badan ay qabaan Dhaawacyo Halis ah,iyadoo ku dhawaad 40 ka mida Shalay loo qaaday Wadanka Turkiga,36 kamid ahna Maanta lagu wado in loo qaado Wadanka Qadar.

 

Gurmadkii lagu samatabixinayay Baadigoobka Dadkii lagu Waayay Qaraxii Zoobe oo la soo gaba gabeeyay

Muqdisho–KNN– Saraakiisha ku Howlan Gurmadka lagu samata-bixinayo Baadigoobka Dadkii lagu Xasuuqay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho  Raq iyo Ruux intaba ayaa sheegay in ay soo gaba gabeeyeen Howshii socotay Xoogeeda,waxaana qaar kamida Saraakiisha waday Howlgalka ay KNN u sheegeen in 99% ay soo Afjareen Baaritaankii ay wateen.

Baaritaanka oo galay Maalintii Afraad ayaa maanta illaa Shalay waxaa ka qeyb qaadanayay Eeyo si ay Dadka ku Howlan baaritaanka ay uga caawiyaan Baaritaankooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo Goobta ku hadlay ayaa sheegay in Gurmadka lagu Samatabixinayo dadkii lagu Xasuuqay Zoobe uu weli socon doono islamarkaana loo baahan yahay in la labo jibaaro.