Templates by BIGtheme NET

Somali News

Madaxweyne Farmaajo” waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya”

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku booqday cisbataalka Ordogaan dadkii rayidka ahaa ee ku dhawaacmay qaraxii argagixisada ahaa ee lagu bartilmaamsaday isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo qof qof u dul istaagay dadka dhaawacyadu soo gaareen ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda waxyeeladu ay ka soo gaartay falkaan wuxuushnimada ah ee ay soo maleegeen argagixisadu.

“Carruurta, haweenka, dhallinyarada, iyo odoyaasha halkan lagu daawaynaayo iyo goobaha kale ee ku waxyeeloobay qaraxii argagixisada ahaa waxa ay u baahanyihiin hiilkeenna. Waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale booqday isgooyska Soobe oo ah halka uu ka dhacay qaraxu, waxa uuna kormeeray baaxadda uu le egtahay khasaaraha iyo dhibaatada soo gaartay dadka maatada ah ee ganacsiga iyo deegaanka kulahaa halkaas.

“Argagixisadu waxa ay higsanaayaan in ay damiyaan ilayska dowladnimo ee inoo iftiimaaya, taasina ma ahan mid u suurta galaysa, sababtoo ah maanta waxa aan haynaa waddada aan kaga guulaysan lahayn oo aan ku cirib tiri lahayn dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan dadkeena iyo dalkeena, waddadaasina waa in aan midownaa oo si wada jir ah aan uga soo horjeesanaa cadawgaas.”

Kheyrre oo magacaabay Guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Dadkii ku dhamaaday Qaraxii ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Xasan Cali Kheyrre Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa goor-dhaw magacaabay Guddi ka kooban Wasiiro, Culumo, xubno ka tirsan Qeybaha Bulshada kuwaas oo loogu magac daray Guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta kuwaas oo qiimeyn doona Xaaladda musiibada ah ee ka dhacday Muqdisho iyo inta uu gaarsiisan yahay dhimashada iyo dhaawaca.

Sidoo kale guddigaan ayaa qiimeynaya sida ay ukala daran yihiin Dhaawacyada kuwaas oo loo sameyn doono Gurmad deg deg ah.

Muuqaalka Guud ee magaalada muqdisho ayaa ah Jawi Colaadeed waxaana marba marka ka danbeysa sii kordhaya khasaaraha dhimashada iyo Dhaawaca.

Farmaajo oo booqday Isbitaalada Muqdisho oo la ciir ciiraya dhimashada iyo Dhaawacyadii ka dhalatay Qaraxii Zoobe.

Muqdisho-KNN-Maxamed Cabdullahi “Farmaajo” Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqday isbitaallada Digfeer iyo madiina oo la ciir ciiraya Dhaawacyada iyo dhimashadii ka dhalatay Qaraxii Shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaya ayaa sidoo kale waxaa uu booqday goobta uu weerarka ka dhacay ee Isgoyska Zoobbe,halkaas oo ay  ku dhinteen dad badan oo ilaa hadda loo heyn tiro Sax ah.

Dhaawacyo farabadan oo la aqoonsan la’yahay ayaa ilaa hadda yaalla Isbitaallada Muqdisho,tusaale Isbitaalka Digfeer waxaa yaalla 127 Qof oo aan la aqoonsan sidoo kalena ehelkooda lahayn kuwaas oo uu maamulka Isbitaalka baahiyay Magacyadooda,sidoo kale Ibsitaalka Kalkaal ayaa ka mid ah meelaha ay dhaawacyada ay yaallaan.

Isbitaalka madiina ayaa la dhigay Boqolaal kale oo shacab ah kuwaas oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaana mashquulka ugu badan maanta ka jiraa Xarumaha Caafimaadka.

Guddoonka aqalka sare oo baajiyay kulan ay lahaayeen si ay tacsida ula qeybsadaan shacabka

Muqdisho–KNN–Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lahadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in la baajiyay kulan ay lahaayeen Golaha.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ujeedka ay u baajiyeen kulankaasi oo su’aalo lagu weydiin lahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta uu yahay sidii ay shacabka Soomaaliyeed ula qeybsan lahaayeen tacsida.

Waxaa uu shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay qarixii foosha xumaa,isagoo eebe uga baryay dadkii dhaawacmay in uu bogsiiyo.

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey in ay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka si loo baajiyo dhig dadka shacabka ah oo ay si micno daro ah ay u daadinayaan Al-Shabaab.

Dhageyso:-M/weyne Axmed Madoobe”Xukumaddu yeysan ku Mashquulin Saxaafadda ee Ammaanka ha ku Mashquusho”

Muqdisho–KNN–Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo la hadlay Saxaafadda ayaa ka Tacsiyeeyay Musiibadii ka dhacday Magaalada Muqdisho ee aheyd Qaraxii lala beegsaday Shacabkii ku sugnaa Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Xukumadda Soomaaliya in aysan ku Mashquulin Saxaafadda iyo Siyaasadda islamarkaana ay ku Mashquusho Sugidda Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Madaxweynaha Jubbaland

120102_006 - My Recording     

DHAGEYSO:-WARKA SUBAX EE RADIO KULMIYE 8:00AM (15-10-2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii saakay ee ka baxay Radio Kulmiye. Warka saakay Waxaa si wadajir ah u aqrinayay ah aqrinayay:- Maxamed Qeys  Xasan Maxamed  iyo Maryan Muxudiin Gacal:-

Farsamadii:-Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan Riix si aad u dhageysato Warka Subax ee KNN:-

Wali meydad hor leh ayaa laga soo saarayaa dhismiyaashii ku dumay Qaraxii Zoobe.

Muqdisho-KNN-Wali waxaa la soo saarayaa meydad hor leh oo ku jira Dhismiyaashii ku dumay Qaraxii Shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, sidoo kale dhaawacyo hor leh ayaa laga helay bur burka Dhismiyaasha.

Wariyaasha Idaacadda Kulmiye ee ku sugan Isbitaalada iyo halka uu qaraxa ka dhacay ayaa soo sheegaya warar Naxdin oo wali ka taagan Zoobe ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan maqlayaa Qeylida dad nool oo ku jira dhismiyaashii bur buray oo dalbanaya Caawimaad deg deg waxaana ku howlan badbaadinta dadkaasi shacab badan oo is xil qaamay gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa xalay ilaa hadda ku howlan Howlaha gurmadka ” sidaasi waxaa soo sheegaya Wariye ka tirsan KNN.

Isbitaal madiina ayaa sidoo kale buux dhaafiyay dhaawacyada iyo dhimashada waxaana geedaha Hoostooda la dhigay Dhaawacyo ay ka buuxsantay, sidoo kale meydad badan oo qaarkood Gubtay ayaa la dhigay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Qaramada Midoobay ” Argigixasada dhib xun ayay ka geesteen Muqdisho “

Muqdisho-KNN-Waxaa isa soo taraya marba marka ka danbeysa Dadka canbaareynaya Qaraxii Xasuuqa ahaa ee Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Mashquulka Badan ee Zoobe.

Micheal Keatig Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii shalay ka dhacay  Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Danjire Micheal Keatig ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo naxdin leh kaas oo lagu xasuuqay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

“Waxaan cambaareynayaa weerarki argagixiso ee naxdinta lahaa , kaas oo lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weerarkaas oo ay ka dhalatay  khasaaro baaxad weyn. Xeeladaha aan kala sooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah waana dembi mudan in la cambaareeyo.” ayuu yiri Keating.

 

Kheyrre”Shacabka waa in ay xoojiyaan Gurmadka loogu jiro Badbaadinta dhibanayaasha”

Muqdisho-KNN-Xasan Cali kheyrre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

R/wasaare kheyre, ayaa qaraxaasi ku tilmaamay mid Argagixisinimo, waxaana uu tilmaamay in dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ay ahaayeen shacab waxba aan galabsan.

Xasan Cali kheyre, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka iyo maamulka Gobolka banaadir ay gurmad baaxad leh ay u sameeyeen dadkii qaraxa ku dhamaaday, dadka soomaaliyeed ayuuna ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka socda.

“waa in aan xoojinaa Gurmadka deg deg ah ee loo sameynaayo dhibanayaasha, Shacabka ha sadaqeestaano dhiigooda Isbitaalada waxaa buuxo dad badan oo dhiig u baahan aan is Caawino” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyrre.

Musiibo Qaran ayaa Shalay ka dhacday magaalada Muqdisho mana jirto qaab looga hadli karo, qofka ugu wanaagsan ee arintaan ka hadla ayaa ku baaqaya Caawin deg deg Sababtoo naftaada kuma siiso dhaliil iyo eedeyn markii aad waxa dhacay.

M/weyne Gaas”Gurmad ha loo fidiyo Shacabka lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe”

Garowe–KNN–Madaxweynaha Maamulka Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay Weerarkii Isqarxinta ahaa ee Gelinkii dambe ee Shalay lagu Weeraray Dadkii Shacabka ahaa ku sugnaa Isgoyska Zoobe ee Magalaada Muqdisho oo Xilligaas aad u Mashquul badnaa.

 

C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka kuwa Maamul Gobolleedyada iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa lala beegsaday.

 

“Madaxda Dowladda Dhexe, kuwa Maamul Gobolleedyada iyo Shacabka Soomaaliyeed Dal iyo Dibad haddii ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in ay Dadka ku dhaawacmay ay garab Istaagaan kii Lacag haya iyo midkii dhiig bixin kara intaba”ayuu yiri M/weyne Gaas.

 

Qaraxii Galinkii dambe ee Shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inuu ahaa midkii ugu weynaa ee ka dhaca Soomaaliya,waxaana marba marka ka dambeysa isi soo taraya Dhimashada iyo Dhaawaca soo gaartay Dadka Shacabka ah,iyadoo Dhimashada iyo Dhaawaca ay noqdeen mid aan Xisaab la heyn.