Home / Somali News / Faah-faahin ka soo baxeysa Gaarigii UN-ka ee ku Qarxay Garaashka ku yaalla UNDP

Faah-faahin ka soo baxeysa Gaarigii UN-ka ee ku Qarxay Garaashka ku yaalla UNDP

Muqdisho–KNN– Ugu yaraan Saddex Qof oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Soomaalida ee ilaaliya Xarunta Hay’adda UNDP ee QM Cabdi Cali ayaa ku dhaawacmay Qaraxii lagu soo xiray Gaariga ee ku dhex Qarxay Gaaraash ku yaalla Xarunta Hay’adda UNDP ee Magaalada Muqdisho.

Labada Qof ee kale ayaa iyaguna ahaa Ciidamada Ilaalada Hay’adda UNDP sida ay noo Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Hay’adda.

Dhanka kale Ciidamada Amniga ayaa Xir xiray Lix Qof oo ku sugnaa Garaash Baabuurta lagu xareeyo oo ku yaalla KM-4,waxaana la sheegay in Gaariga Qaraxa lagu soo xiray uu Xalay ku Hoyday Garaashka.

Ciidanka ayaa weli Baaritaan ku wada Dadka laga soo qabtay Garaashka,iyadoo ay weydiinayaan waxa ay ka ogyihiin Gaariga Xalay Gaarsha ku hoyday,haddana Saakay Qarxay.

Dhanka Saraakiisha Hay’adda UNDP Ee QM ma jirto wax war ah oo ka soo baxay oo ku aadan Qaraxa lagu soo Xiray Gaarigooda ee Garaashka ku dhex Qarxay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top