Home / Somali News / Dilal Xalay siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho

Dilal Xalay siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho–KNN–Xalay Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Dilal loo geystay Dad Shacab ah iyo Asakri ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Koox Hubeysan ayaa Suuqa weyn ee Degmada Wadajir Xalay ku dishay Labo Qof oo mid yahay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda,waxaana ay ka qaateen Qorigii uu watay.

Sidoo kale Xaafadda Bangaariya ee Degmada Hodan waxaa Koox Burcad ah oo dadka Taleefanada ka qaadanayay ay ku dileen Labo Qof oo Shacab ah.

Maamulada Degmooyinka Hodan iyo wadajir weli wax Faahfaahin ah kama bixin Dilalka Xalay ka dhacay Degmooyinka Hodan iyo Wadajir.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top