Home / Somali News / Ahlusunna oo Maanta Dhuusamareeb ku xirtay Mas’uuliyiin ka yimid Magaalada Cadaado

Ahlusunna oo Maanta Dhuusamareeb ku xirtay Mas’uuliyiin ka yimid Magaalada Cadaado

Dhuusamareeb–KNN--Ciidanka Maamulka Ahlusunna ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ku xiray Labo Mas’uul oo mid kamid ah uu la soo shaqeeyay Maamulkood,kuwaas oo Maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Galmudug.

Labada Mas’uul ee maanta lagu xiray Dhuusamareeb ayaa lagu kala Magacaabaa Burhaan Axmed Rooble oo soo noqday Guddoomiye Kuxigeenkii Magaalada Dhuusamareeb Maamulka Ahlusunna  iyo Duraan Cali Maalin.

Labada Mas’uul ayaa la sheegay in Maalmahaan ay joogeen Magaalada Cadaado,balse  Maanta ay dib ugu soo noqdeen Dhuusamareeb,waxaana lagu xiray Xabsiga Nabad Sugidda Ahlusunna ay ku leeyihiin dhuusamareeb.

Sidoo kale Isla maanta ayey Ahlusunna Magaalada Dhuusamareeb ku Xirtay Siddeed Ruux oo ka mid ahaa Ergadii Cadaado ku soo doortay Xubnaha Aqalka Hoose.

Ahlusunna ayaa si weyn uga soo horjeeda Maamulka Galmudug ee Xaruntiisa KMG ah ay tahay Magaalada Cadaado.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top