Home / Somali News / C/shakuur Cali Mire oo ku soo baxay doorashada Aqalka Hoose ee Cadaado

C/shakuur Cali Mire oo ku soo baxay doorashada Aqalka Hoose ee Cadaado

Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ayaa maanta ka dhacday magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u ah maamulka Galmudug, waxaana doorashada kusoo baxay wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta.

Cabdi Shakuur Cali Mire oo soo noqday wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa kusoo baxay doorashada xildhibaanada aqalka hoose oo ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

C/Shakuur Cali Mire ayaa helay 49 cod  halka musharaxa la tartamayay ee C/risaaq Cali Jaamac uu helay 2 cod.

Inta badan ergooyinka ayaa sida muuqata waxay u codeeyeen C/Shakuur Cali Mire.

Maamulka Galmudug ayaa waxaa u muuqdaa mid soo gabo gabeeyay doorashada xildhibaanada labada aqal ee ka imaanaya deegaanada Galmudug.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top