Home / Somali News / Wasiir ka tirsan Galmudug oo Maanta Iscasilay

Wasiir ka tirsan Galmudug oo Maanta Iscasilay

Cadaado–KNN–Ka dib shir jiraa’id uu maanta magaalada Cadaado uu ku qabtay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ku shaaciyay inuu xilka iska casilay.

Wasiir Cali ayaa waxaa uu sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay kadib doorasho sharci darro uu ku tilmaamay oo saaka ka dhacday Magaalada Cadaado.

Doorashada ayaa waxaa ku guuleystay C/shakuur Cali Mire,waxaana la tartamay C/risaaq Cali Jaamac,iyada oo Wasiiru dowlaha is casilay uu sheegay in labada Nin ee tartamayba aysan ahayn jufada leh Kursiga waxaana uu sheegay in Kursigaas uu ku tartami lahaa C/Wali Ibraahim Garyare iyo 3 kale ,sababtaas ayuuna sheegay in uu isu casilay.

Inta badan doorashooyinka ka jira dalka ayaa laga keenay dhaliilo ku aadan sida wax loo doortay,waxaana jira kuraas wali muran uu ka taagan yahay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top