Home / Somali News / Shirka Madasha Wada-tashiga oo Maanta la filayo inuu Muqdisho ka furmo

Shirka Madasha Wada-tashiga oo Maanta la filayo inuu Muqdisho ka furmo

Muqdisho–KNN– Maanta Oo Jimce ah waxaa la filayaa inuu Madaxtooyada Soomaaliya ka furmo Shirka Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran oo lagu waday inuu furmo 13-kii Bishaan Balse Dib uga dhacay.

Shirka ayaa looga hadli doonaa Arrimo la Xiriira Doorashada dadban,waxaana si gaar ah loo dul istaagi doonaa Saamiga Aqalka sare ay ku yeelan doonaan Dadka dega Gobolada Sool iyo Sanaag.

Shirka Madasha ayaa haddii uu Maanta furmo waxaa uu socon doonaa Labo Maalmood oo ay Maanta ku jirto.

Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada dalka ayaa inta badan jooga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top