Home / Somali News / Dagaal u dhexeeya Ciidamada Jubbaland iyo Al-shabaab oo ka socda Galbeedka Kismaayo

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Jubbaland iyo Al-shabaab oo ka socda Galbeedka Kismaayo

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka dowlad gobaleedka Jubbaland iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa ka socda Deegaanka Beerxaani ee galbeedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Dagaalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii Al-Shabaab ku dhowaad 10-qof oo xoolo dhaqato ah ay ku dileen Deegaanada kuyaala Galbeedka Kismaayo.

Sidoo kale maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Al-shabaab ay kaxeesteen Xoolo badan oo ay lahaayeen dadka deegaanka sidoo kalana ay laayeen xoolo kale.

Maxamuud Sayid Aadan oo Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland oo shalay shir saxaafadeed ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay Jubbaland inaysan eeganayn gumaadka lagu hayo.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top