Home / Somali News / Maamulka Gobolka Banaadir oo qaadaya Dhagxaanta Wadooyinka lagu xiray

Maamulka Gobolka Banaadir oo qaadaya Dhagxaanta Wadooyinka lagu xiray

Muqdisho–KNN– Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta bilaabay qaadista Dhagaxaanta lagu xiray Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in Maamulka Gobolka banaadir uusan u dul qaadan doonin Wadooyinka Sida Sharci darada ah ku xiran,ama dowlad ha u xirnaadaan ama Shacab ha u xirnaadeene.

Afhayeenka Maamukka Gobolka Banaadir Mudane C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Dhagxaan dhowr ah oo lagu xiray Wadooyinka ay Maanta qaadeen islamarkaana Meelaha laga qaaday ay kamid tahay Wadada Maka Al-mukarama.

Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu xiray Dhagxaan iyo Ciid,iyadoo Dadka Shacabka ah ay dhowr jeer Codsadeen in la furo.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top