Home / Somali News / Dhageyso:- Dad Shacab ah oo Xalay lagu Xasuuqay Degmada Qoryooley

Dhageyso:- Dad Shacab ah oo Xalay lagu Xasuuqay Degmada Qoryooley

Qoryooley–KNN–Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Degmada Qoryooley ee isla Gobolkaasi ayaa sheegaya in Lix Qof oo Shacab ah Xalay lagu dilay kadib markii Saban ama Baasasuuke lagu dhuftay Gaari Homey ah oo ay la socdeen.

Lixda Qof ee la dilay ayaa kala ahaa Saddex Dumar ah iyo Saddex Rag ah,waxaana gaariga Baasasuukaha lagu dhuftay uu ka Baxay Degmada Qoryooleey,iyadoo uu Qudaar u siday Magaalada Baydhabo ee xatunta Gobolka Baay.

Qaalid Xasan oo ka mid ah Ehelka Dadka halkaas lagu dilay ayaa sheegay in Gaariga uu u socday Magaalada Baydhabo islamarkaana Dadka Gaariga Sabanka ku dhuftay ay ku tuhunsan yihiin Ciidamada Dowladda in ay yihiin.

Maamulka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose weli kama hadlin dadka Xalay lagu laayay Duleedka Qoryooley.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top