Home / Somali News / Jubbaland oo sheegtay in Sargaal ka tirsan Shabaab ay ku dishay Galbeedka Kismaayo

Jubbaland oo sheegtay in Sargaal ka tirsan Shabaab ay ku dishay Galbeedka Kismaayo

Kismaayo–KNN– Saraakiisha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Galbeedka Magaalada Kismaayo ay ku dileen Sargaal ka tirsan Al-shabaab oo si weyn looga yaqaanno Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka mid ah Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Sargaalka laga dilay Shabaab ay Maanta ku soo bandhigi doonaan Meydkiisa Magaalada Kismaayo.

Jubbaland ma sheegin Magaca Sargaalka ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee ay sheegeen in ay ku dileen Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Galbeedka Magaalada Kismaayo ayaa weli waxaa ka jira Xiisad u dhexeysa Dadka Degaanka iyo Al-shabaab,waxaana Dadka Reer Guuraagaa ay sheegeen in Shabaab ay laayeen Xoolo uu ku jiro Geel dhalay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top