Home / Somali News / War Deg Deg ah :- Safiirkii Ruushka u fadhiyay Turkiga oo Toogasho lagu dilay

War Deg Deg ah :- Safiirkii Ruushka u fadhiyay Turkiga oo Toogasho lagu dilay

Safiirka Ruushka ee Turkiga, ayaa nin hubaysan toogasho ku dilay, isagoo booqanaya matxaf sawirro lagu soo bandhigay ee magaalo madaxda Turkiga

Dhowr qofood oo kale ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarka, maalin kadib markii uu dhacay mudaaharaad looga soo horjeedo faragalinta Ruushka ee dagaalka Shiinaha.

Sida uu sheegay TV Ruush ah, safiirka ayaa booqanayay madxaf lagu soo bandhigay sawirro oo la magac baxay “Ruushka sida ay u arkaan Turkiga”.

Wararka ayaa sheegaya ninka hubaysan in boliiska ay dileen.

Video laga duubayay munaasabada ayaa muujinaya Mr Karlov oo jeedinaya qudbo markii ay xabada dhacaysay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top