Home / Somali News / Dhageyso:-Madasha Wada-tashiga oo Magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha

Dhageyso:-Madasha Wada-tashiga oo Magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha

Muqdisho–KNN– Kulan Maanta ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya oo ay goobjoog ahaayeen Hogaamiyaasha Madasha wada-tashiga Qaran iyo Beesha Caalamka ayaa lagu soo bandhigay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo Madasha Wada-tashiga ay dhistay.

Guddiga oo ka kooban 9 Xubnood ayaa kala ah Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS,Wasiirka Maaliyadda DFS,Wasiirka Warfaafinta DFS,Wasiirka Qorsheynta Puntland,Wasiirka Qorsheynta Jubbaland, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Koofur Galbeed, Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Galmudug,Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Guddoomiyaha Gobolka banaadir.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo Kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo sameynayo Dadka ay Abaartu sameysay,maadaama Dadka inta badan ay Xoolihii dhaafeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in Guddiga la Magacaabay ee ka kooban Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ay irid kasta garaaci doonaan islamarkaana ay qeyladooda kaarsiin doonaan Caalamka oo dhan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top