Home / Somali News / Howlgallo Saaka ka socda Magaalada Boosaaso

Howlgallo Saaka ka socda Magaalada Boosaaso

Ciidanka ammaanka ee Puntland oo kaashanayaa laamaha nabadgelyada xaafadaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saaka howlgalo xoogan waxa ay ka bilaabeen xaafadaha magaalada Boosaaso.

Howlgaladaan ayaa u jeedkoodu lagu sheegay in lagu adkaynayo ammaanka magaalada Boosaaso iyo sidii gacanta loogu soodhigi lahaa ragii ka dambeeyey dilkii agaasimihii madaxtooyada Boosaaso Aadan Gaas iyo taliye ku-xigeenkii 3aad ee booliska Puntland Jaamac Saxar-diid.

Ciidanka ayaa baaraya gaadiidka magaalada soo gelaya iyo guryaha waxaana magaalada Boosaaso laga soo sheegayaa in laamaha ammaanku heleen raadad ku aadan ciddii ka dambaysay dilka mas’uuliyiinta.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top