Home / Somali News / Qaraxyo ka dhacay caasimadda Mexico oo 26 ku dhinteen

Qaraxyo ka dhacay caasimadda Mexico oo 26 ku dhinteen

Qaraxyo is xigxigay oo aad u badan ayaa waxay ka dheceen suuq ku yaalla duleedka caasimadda dalka Mexico.

Suuqa ayaa lagu iibiyaa rashka iyo baaruud. Maamulka dalkaasi wuxuu sheegayaa in ugu yaraan 26 qof ay ku dhinteen.

Sidoo kale, tobannaan qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxyada.

Muuqaal la yaab leh oo si toos ah TV looga baahiyay ayaa muujinayay sida uu ku bilowday dab qabsaday qeyb ka mid ah suuqa.

Ka dibna meesha waxaa la arkayay qaraxyo si is xigxiga u dhacaya iyo holac iyo qiiq hawada isku shareeray.

Dadka ayaa ka kala cararay suuqa San Pablito cabsi aawadeed.

Dhacdooyiin tan la mid ah ayaa suuqan baabi’iyay sanadkihii 2005 iyo 2006-dii.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top