Home / Somali News / War Naxdin leh oo Goor Dhow Degaanada Puntland naga soo gaaray

War Naxdin leh oo Goor Dhow Degaanada Puntland naga soo gaaray

Warbaahinta ka Howlgasha Degaanada Maamulka Puntland ayaa Baahiyay War Naxdin leh oo ah Hooyo iyo Wiil ay dhashay oo Siddeed Bilood jir ah oo Gobolka Nugaal uu Roob ku qaaday.

Maxamuud Cismaan Maxamed oo ah Aabaha dhalay Wiilka 8 Bilood jirka ah islamarkaana qabay Xaaska dhashay Wiilka yar ayaa sheegay in Biyo ku yimid Togga Suuj ee Gobolka Nugaal ay qaadeen Xoolihii uu lahaa iyo Wiil uu dhalay iyo Xaaskiisa isamarkaana uu la’yahay illaa hadda Nolol iyo Geeri intaba.

Maamulka Puntland ayuu ka Codsaday in ay Gurmad u fidiyaan oo ay la baadi goobaan Nolol iyo Geeri Qoyskiisa iyo Xoolihii uu dhaqan jiray.

Qeybo ka mid ah Xeebaha Puntland waxaa ka da’ay Roob aad u xoogan,iyadoo halkaas ay ka jireen Abaar aad u daran.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top