Home / Somali News / Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho–KNN– Qarax Miino ayaa Galabta ka dhacay Iridka hore Ee Garaashkii dhawaan ay la wareegeen Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya oo ku yaallay Xaafadda Black Sea ee Degmada Hodan.

Qaraxa oo lagu aasay Iridka hore ee Garaashka ayaa waxaa ku dhintay Saddex Qof oo mid yahay Askari,waxaana ku dhaawacmay Afar kale oo mid kamid ah yahay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada  Amniga ayaa goobta gaaray,iyadoo halkaas ay baaritaano ka sameeyeen.

Garaashka ayaa horay waxaa ula wareegay Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya,waxaana NISA ay sheegtay in Garaashka laga soo raray Qarax Dhimasho iyo dhaawac Sababay oo ka dhacay  Suuqa Beerta  ee Degmada Waabari.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top