Home / Somali News / Hay’adda Socdaalka oo Xafiis ka furatay Degmada Dhoobley ee G/Jubbada Hoose

Hay’adda Socdaalka oo Xafiis ka furatay Degmada Dhoobley ee G/Jubbada Hoose

Dhoobley–KNN–Madaxda waaxyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda  Soomaaliya ayaa  Shalay ka Furay Magaalada Dhoobley dhanka Kenya Xafiis laga Kontorooli doono Xuduuda dalka,gaar ahaan Xuduuda ay wadaagaan Dalalka  Soomaaliya iyo Kenya.

Taliyaha Hay’adda Socdaalka  G/sare Max.ed Adam Jimcaale ( koofi ) oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay inuu wax badan soo kordhin doono Xafiiska,Maadaama Xafiiskaan uusan shaqeyn mudo dhan  26 Sano.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Deg Deg ah ay u furayaan Xafiisyadii Hay’adda Socdaalka ay ku la heyd dhamaan Xuduudaha aan la wadaagno Wadamada deriska si loo adkeeyo Howlaha Socdaalka Ammaankana loo sugo.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top