Home / Somali News / Garasbaaley:- Nin Tooreey ku Dilay Nin kale

Garasbaaley:- Nin Tooreey ku Dilay Nin kale

Muqdisho–KNN–Wararka  naga soo gaaray Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degaanka Garasbaaley ayaa sheegay in Nin Dhalinyaro ah uu Tooreey ku dilay Nin kale oo asna Dhalinyaro ahaa.

Wararka ayaa intaa  ku daraya in  Ninka Dilka geystay iyo kan la dilay ay ahaayeen Barakacayaasha Degen Degaanka Garasbaaleey.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Gacanta ku dhigay Ninkii Gacan ku dhiiglaha ahaa sida ay noo xaqiijiyeen dadka Degaanka.

Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale noo sheegay in Ninka Dilka geystay iyo Marxuunka la dilay uu dhaxmaray Muran ka dhashay Turub ay Ciyaarayeen islamarkaana Ninka la dilay sidaa Tooreeyda loogu dilay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top