Home / Somali News / Dhulgariir ku dhuftay wadanka Chile

Dhulgariir ku dhuftay wadanka Chile

yrightREUTERS

Dhulgariir xoog leh oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7 heerka cabirka dhulgarriiradda ayaa ka dhacay Koonfurta dalka Chile, waxaa la soo saaray digniin ku aadan suurtagalnimada inay dhacaan Tsunami.

Dhulgariirka ayaa ruxay 225km koonfurta galbeed ee magaalada Puerto Montt saacadu markii ay ahayd 14:22 GMT, sida ay sheegtay hay’adda Mareykanka ee la socodka dhulgariirradda, waxaana dhulgariirku uu ka dhacay badda gunteeda 15km, mana jirto wax khasaare ah oo ilaa iyo hadda la soo wariyey.

Xafiiska arimaha deg deg ah ee qaranka Chile wuxuu soo saaray digniin isagoo amray in laga qaxo dhulka xeebta ku teedsan ee gobolka Los Lagos.

“Xaaladda badbaad ahaan, waxaan amarnay in laga baxo dhulka xeebaha ee Biobio, Araucania, Los Rios, Aysen” ayaa lagu xusay digniinta.

Dhulgariir ku dhuftay wadanka Chile

Xarunta digniinta badgariiradda [Tsunami] ee Pacific-ga ayaa sheegtay in mowjado qatar oo gaaraya ilaa 3m in ka sareysa dhulka ay yihiin kuwa suurtagal ka noqon kara xeebaha ilaa 1000km taasi oo ka dhalanaysa dhulgariirka xooggiisa.

Dadka degan magaalada Quellon, oo u dhaw halka dhulgariirku ruxay ayaa ka mid ah kuwa hadda u baxsanaya dhul ay ku badbaadaan, sida ay sheegtay saxaafadda gudaha.

“Waxaan ku noolaa muddo 10 sano Koonfurta mana dareemin wax tan la mid a” ayuu yiri qof ka cararay gurigiisa.

Madaxeynaha Chile Michelle Bachelet ayaa fariin Twitter waxay ku tiri “Xoog badan iyo dhiirigelin ku wajahan muwaadiniita uu saameeyey dhulgariika Chile iyo meelaha kale eek a mid ah Koonfurta waxaa mar horeba la qaaday talaabooyin deg deg ah”.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top