Home / Somali News / Dhageyso:-Abaar Dadka iyo Duunyada sameysay oo kajira Gobolka Galgaduud

Dhageyso:-Abaar Dadka iyo Duunyada sameysay oo kajira Gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb–KNN– Xili Abaaro dadka iyo Duunyadaba saameysay ay ka jirto Qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ayaa haddana waxaa jira Degaanada Qaar oo Dadkii ku noolaa ay iskaga Hayaameen.

Degaanka Sangooye oo Hoostaga Degmada Dhuusamareeb ee Xarunta u ah Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku dhibaateysan Qoys ka kooban  7 Ruux oo dhamaantood Lixaadkooda kala dhiman yahay islamarkaana Dadkii Degaankaas ku noolaa ay Abaar uga Carareen.

Hooyo Nuuro Ciise Cali oo ah Qof Naafo ah oo haysa Qoyska 7 Ruux ka Kooban ee dhamaantood Naafada ah ayaa sheegtay in ay ku jiraan Degaankaan oo Go’doon ah islamarkaana aysan joogi wax dad ah marka laga reebo iyaga oo Dantu biday in ay degaanka isla joogaan Maadaama ay yihiin Naafo aan socon karin.

Dadka Degaanka ayaa ku baaqay in Gurmad Deg Deg ah lala gaaro Qoyska Naafadda ah ee ku sugan Sangooye islamarkaana ay ka Carareen Dadkii Degaanka oo Abaar ay Salkicisay.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top