Home / Somali News / Israel: Netenyahu oo danjraha Maraykanka u yeedhay

Israel: Netenyahu oo danjraha Maraykanka u yeedhay

Ra’isal wasaaraha Israel, Benjamin Netenyahu, ayaa xafiiskiisa ugu yeedhay dan jiraha Maraykanka u fadhiya dalkaas, ka dib markii ay soo baxday xiisad ka dhalatay qaraar Qaramada Midoobay ku dhaleecaysay deegaamaynta laga wada dhulka la haysto ee Daanta Galbeed iyo bariga Quddus.

Sannado badan ayuu Maraykanku ka dhex difaacayey Qaramada Midoobay, laakiin habeenkii Jimcihii codkii diidmada qayaxan ahaa muu adeegsan. Waxaana la meel mariyey qaraar dhaleecaynaya Yuhuudda lagu degaamaynayo dhulka la haysto, iyadoo la muujiyey rajada ay Falastiiniyiintu ka qabaan in dhulkaasi maalin uun ka mid noqon doono dowlad ay iyagu leeyihiin. Deegaameyntaa waxa lagu tilmaamay in ay tahay mid sharci darro ah oo si qaawan ugu xad gudbaysa sharciga caalamiga ah.

Israeli-yiintu se gabi ahaan ba way ku gacan saydheen go’aanka waxa aanay rumaysanyihiin in Washington hagratay.

Netenyahu wuxu aaminsanyahay in maamulka Obama si xeeladaysan uga galgashay arrintan oo uu damacsanaa inuu dhirbaaxo diblomaasiyadeed ku dhufto Israel. Ra’isal wasaaruhu wuxu doonayaa in la siiyo tafaasiil dheeraad ah oo wuxu xafiiskiisa ugu yeedhay danjiraha Maraykanka.

Markii horena waxay Israel sidoo kale u yeedhay danjirayaasha dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka oo ay ku jiraan kuwa Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka u fadhiya Israel si loogu muujiyo sida ay Israel go’aankaa uga xuntahay.

Natenyahu waxa uu sidoo kale diiradda saaray Qaramada Midoobay waxaanu amar ku bixiyey in dib loo qiimeeyo xidhiidhka ay Israel la leedahay ururka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Durba na way iska caddahay in qaadhaankii ay Israel siin jirtay hay’adaha Qaramada Midoobay la jari doono.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top