Home / Somali News / Baarlamaanka Labada Aqal oo yeeshay Guddoomiyaal KMG ah

Baarlamaanka Labada Aqal oo yeeshay Guddoomiyaal KMG ah

Muqdisho–KNN– Baarlamaanka Cusub ee Maanta la dhaariyay ayaa Doortay Guddoomiye KMG ah oo Xilka sii hayn doona inta la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Aqalka Hoose,waxaana noqday Cismaan Cilmi Boqore  oo hadda ah Shaqsiga ugu da’da weyn Xubnaha Aqalka Hoose.

Sidoo kale Guddoomiyaha KMG ah Ee Xubnaha Aqalka Sare ayaa loo doortay Maxamed Xuseen Raage (Surweel weyne)  oo asna ah Ruuxii ugu da’da weynaa Xubnaha Aqalka Sare.

Baarlamanaka ayaa sidoo kale dooran doona Guddiga Doorashada Guddoonka Labada Aqal iyo Xubnihii kale ee ka shaqeyn lahaa Doorashada Guddoonka Labada Aqal.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top