Home / Somali News / Ciidanka Liyuu Boolis oo saddex Qof ku Dilay Gobolka Mudug

Ciidanka Liyuu Boolis oo saddex Qof ku Dilay Gobolka Mudug

Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Xanan oo katirsan tuulada Dudun oo kutaala xuduudka Soomaaliya iyo  Ethiopia ee dhinaca gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay iska hor imaad dhexmaray maleyshiyo beeleed iyo ciidamo Liyuu Boolis Ee Itoobiya.

Iska hor imaadkaan oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay deegaankaasi uu maamulka gobolka Mudug ka taagay calanka Soomaaliya iyo midka Puntland islamarkaana laga dhigax dhigay xarumo caafimaadka, saldhig boolis iyo ceelbiyood.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in dowlad  Ethiopia ay ka xumaaday tilaabadaas kadibn ay ciidankooda usoo direen si ay ula wareegaan, waxaana kadib ka dhacay iska hor imaad xoogan oo dhaliyay in saddex kamid maleyshiyadii deegaanka ah ay halkaas ku dhinteen.

Ciidamada Liyuu Booliska ayaa burburiyay meesha calanka Soomaaliya iyo kan Puntland laga taagay,waxayna guud ahaanba la wareegeen gacan ku haynta deeganaka.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top