Home / Somali News / Ahlusunna Waljamaaca oo Fasaxday Radio Galgaduud

Ahlusunna Waljamaaca oo Fasaxday Radio Galgaduud

Guriceel–KNN–Iyadoo Maamulka Ahlusunna ay horay u Xireen Idaacada lagu Magacaabo Radio Galgaduud oo ku taalla Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa Ahlusunna waxaa ay Fasaxday Idaacadaasi oo u Xirneyd 45 Maalmood.

C/fitaax Xasan Faarax oo ah Agaasimaha Radio Galgaduud ayaa Radio Kulmiye u Xaqiijiyay in hadda Ahlusunna ay Fasaxday Radio Galgaduud kadib Wada-hadal dhexmaray Maamulka Idaacadda iyo Ahlusunna.

Agaasimaha Guud ee Radio Galgaduud ayaa sidoo kale sheegay in ay Dhawaan Shaqo bilaabeyso Idaacadu islamarkaana ay sii wadi doonto Howshii ay u haysay Bulshada ku nool Degmooyinka ay ka Arrimiyaan Ahlusunna.

Dhowr Jeer ayey Ahlusunna Xirtay Radio Galgaduud,iyadoo hadda Markii ugu dambeysay Xitaa ay Qalabkii yiilay Idaacada ay qaateen.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top