Home / Somali News / Saaxiibada Soomaaliya oo Taageeray Go’aankii Madasha ay dib ugu dhigeen Doorashada Xubnaha lagu daray Aqalka Sare

Saaxiibada Soomaaliya oo Taageeray Go’aankii Madasha ay dib ugu dhigeen Doorashada Xubnaha lagu daray Aqalka Sare

Beesha Caalamka ayaa waxa ay ka hadashay Go’aankii 29-kii Bishan ka soo baxay Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo ku aadanaa in dib loo dhigay Doorashada 18-ka kursi ee lagu kordhiyay xubnaha Aqalka Sare ee Dalka.

Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Talyaaniga, Belgium, Netherlands, Sweden ayaa si wadajir ah waxa ay u soo dhaweeyeen Go’aanka ay Madasha Qaran ku hakisay Doorashada 18-ka kursi ee lagu kordhiyay Aqalka Sare.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa sheegay muhiim in ay tahay dib u eegis in lagu sameeyo kordhinta xubnaha Aqalka Sare, maadaama 54 xubnood oo Aqalka Sare ah Dastuurka Soomaaliya uu ku qoran yahay, iyadoo aan wax ka bedel lagu sameyna lagu kordhin karin.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top