Home / Somali News / Meydadka Dad Rayid ah oo Maanta laga helay Guryo ku dumay Qaraxii Shalay

Meydadka Dad Rayid ah oo Maanta laga helay Guryo ku dumay Qaraxii Shalay

Muqdisho–KNN–Meydadka Labo Qof oo Shacab ah ayaa Maanta laga helay Burburka Guri ku tumay Qaraxii Shalay oo ku yaalla ka soo horjeedka Hotelka Peace Agagaarka Madiina Gate.

Meydadka Labada Qof ee Maanta laga soo saaray Burburka Guriga ayaa kala ahaa Wiil iyo Gabar,waxaana laga soo saaray Burburka Gurigii ay degenaayeen.

Qaraxyadii Shalay ka dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho gaar ahaan Irida laga galo Xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane ayaa waxaa ku dhintay Ciidan iyo Dad Shacab ah,waxaana jirtay dad kale oo horay Meydadkooda looga soo saaray Guryo ku dumay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top