Home / Somali News / Afar ruux oo Maraykanka loogu xiray weerar si toos ah loo baahiyay

Afar ruux oo Maraykanka loogu xiray weerar si toos ah loo baahiyay

Afar ruux ayaa lagu xiray magaalada Chicago ee dalka Maraykanka iyaga oo loo haysto nin ay dhibaato u gaysteen oo si toos ah Facebook looga daawaday.

Booliiska ayaa sheegay in ruuxa dhibaatada loo gaystay uu ahaa wiil ka mid ah dadka u baahan xannaanaynta gaar ah ama caafimaadkiisu uusan taam ahayn.

Dadka dhibka u gaysanaya ayaa la maqli karaa iyaga oo kula hadlaya hadallo ka dhan ah dadka caddaanka ah iyo madaxwaynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump.

Qayb ka mid ah muuqaalka ayaa laga arki karaa dhibanaha oo dharka lagaga jeexjeexayo mindi.

Masuul ka tirsan booliiska Chicago oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in ay macquul tahay in weerarkani uu nacayb ku salaysan yahay uu yahay wax laga “xumaado” oo uusan garan karin waxa qof ku qaadi kara in uu ficilkaas oo kale sameeyo.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top