Home / Somali News / Jilaaga caanka ah ee reer Hindiya Om Puri oo geeriyooday

Jilaaga caanka ah ee reer Hindiya Om Puri oo geeriyooday

Jilaaga caanka ah ee u dhashay Hindiya, Om Puri, oo aflaantiisa ugu caansan uu ka mid ahaa East is East, ayaa dhintay, sida mid ka mid ah qoyskiisa uu u sheegay BBC-da.

Jilaaga waxaa ku dhacay wadna xanuun Jimcihii, waxaana la dhigay gurigiisa oo ku yaalla Mumbia, sida wararka ay sheegayaan.

Om Puri, oo jilay aflaan caalami ah iyo kuwa gudaha Hindiya oo keli ah loogu talagalay, waxaa lagu garanaayay gurxankiisa iyo qeylidiisa aflaanta ee 1980-maadkii.

Wuxuu sidoo kale jilay aflaan British ah, oo uu ka mid ahaa mid ku saabsanaa Mahatma Gandi.

Sawirro arooskii ugu qaalisanaa Hindiya ee sanadka oo dhamaaday

Shah Rukh khan oo Maraykanka lagu “xiray”

Jilaa caan ka ah Itoobiya oo Maraykanka magangalyo waydiistay

Om Puri wuxuu aad caan ugu ahaa aflaan ku saabsanaa Hindiya, Pakistan, Britain iyo aflaan caadi ah oo.

Wuxuu door weyn ka ciyaaray shirkadda Hollywood aflaanta ay sameysay. Sanadkii 2004 ayuu ku guuleystay abaalmarin heer sare ah.

Om PuriImage copyrightGETTY IMAGES
Image captionOm Puri

Aflaanta uu sameeyay waxaa ka mid ah kuwa qosol iyo shactiro ah, kuwa tahriib ku saabsan iyo nolol adag.

Aflaantiisa Hindiya loogu jecel yahay waxaa ka mid ah, Ardh Satya, Sadgati, Paar iyo the satirical Jaane Bhi Do Yaaro.

Om Puri dadka uu aflaanta la jilay waxaa ka mid ahayd Helen Mirren oo ay isla sameeyeen filimka The Hundred-Foot JourneyImage copyrightAFP
Image captionOm Puri dadka uu aflaanta la jilay waxaa ka mid ahayd Helen Mirren oo ay isla sameeyeen filimka The Hundred-Foot Journey
Om Puri wuxuu ka qeybgalay filim sheeko ahaa oo BBC-da ay sameysay
Image captionOm Puri wuxuu ka qeybgalay filim sheeko ahaa oo BBC-da ay sameysay

Arrinta illaa iyo hadda laga sheekeeyo ayaa ah doorkiisii filimka uu soo saaray Govind Nihalani ee lagu magacaabo Aakrosh.

Wuxuu filimkaasi metelaayay nin reer baadiye ah oo si qaldan loogu eedeeyay dil, arrintaas ayaa shactiro lahayd.

Jilaa caan ka ah Brazil oo wabi ku qarqaday

Shineemooyinka Hindiya oo lagu amray inay shidaan heesta calanka

Pakistan oo mamnuucday isticmaalka warbaahinta Hindiya

Majaajiladiisa kale ee lagu qoslo waxaa ka mid ah, askeri ku jiray filimka Ardh Satya oo uu garaacay.

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ka tacsiyeeyay geerida jilaaga.

74 milyan oo doolar ayuu ku bixinayaa guurka gabadhiisa

Modi oo ka hadlay muranka ka taagan lo’da

TweetImage copyright@PMOINDIA

Qaar ka mid ah jilaayaasha caanka ah, sida Anupam Kher (Aabaska), ayaa ka tacsiyeeyeen.

TweetImage copyright@ANUPAMPKHER
TweetImage copyright@IKAMALHAASAN
You will live in our hearts forever through the impressions you have left with your versatility. We will miss you. RIP #OmPuriImage copyright@SACHIN_RT
TweetImage copyright@AKSHAYKUMAR

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top