Home / Somali News / Laacibka kooxda Leicester City iyo xulka Aljeeriya, Riyad Mahrez, ayaa ku guulaystay laacibka Afrika ee CAF

Laacibka kooxda Leicester City iyo xulka Aljeeriya, Riyad Mahrez, ayaa ku guulaystay laacibka Afrika ee CAF

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta ee Leicester City iyo xulka Aljeeriya, Riyad Mahrez, ayaa ku guulaystay abaalmarinta Xiriirka Kubadda Cagta Afrika CAF ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan qaaradda.

25-jirkan, ayaa xagaagii tegay ka caawiyay kooxda Leicester inay ku guulaysato Horyaalka Ingiriiska, horayna waxa uu ugu guulaystay laacibka Horyaalka Ingiriiska, sidoo kalana waxa uu qaaday billada BBCda ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan Afrika.

Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund iyo xulka Gabon, Pierre-Emerick Aubameyang, ayaa soo galay kaalinta labaad, halka kaalinta saddexaad uu soo galay laacibka kooxda Liverpool iyo xulka Senegal, Sadio Mane.

Weeraryahanka kooxda Arsenal iyo xulka Nigeria, Alex Iwobi, ayaa ku guulaystay abaalmarinta ciyaaryahanka da’da yar ee Afrika.

Ninka ay isku dalka ka soo jeedaan ee u safta kooxda Manchester City, Kelechi Iheanacho, ayaa isna u tartamayay billadaasi.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top