Home / Somali News / Ciidamada AMISOM oo Labo Wiil oo Walaalo ah ku dilay Duleedka Degmada Baraawe

Ciidamada AMISOM oo Labo Wiil oo Walaalo ah ku dilay Duleedka Degmada Baraawe

Baraawe–KNN– Wararka ka imaanaya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay Shalay Gelinkii Dambe ay Degaanka Wareer-male oo Hoostaga Degmada Baraawe ku dileen Labo Wiil oo Walaalo ah oo Xilligaas keel la joogay ama ilaalinayay.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay ka baxeen Magaalada Muqdisho islamarkaana ay ku siijeedeen Magaalada Baraawe,waxaana sidoo kale Shalay Baraawe tagay Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Uganda.

Magacyada Labada Wiil ee la dilay ayaa lagu sheegay C/raxmaan Xasan oo 17 Sano jir ah iyo Cabdi Xasan oo 15 jir ah sida ay sheegeen Ehelka Wiilashaas la dilay.

Lama Oga Sababta ay Wiilashaas wada dhashay u beegsadeen Ciidamnka AMISOM ,waxaana Bishii hore Ciidanka AMISOM ay Gobolka Shabellaha Hoose ay ku dileen 11 Ruux oo Carruur iyo Haween ay ku jiraan.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top