Home / Somali News / Musharaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Jeediyay Qudbadahoodii

Musharaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Jeediyay Qudbadahoodii

Muqdisho–KNN–Waxaa Maanta xarunta Golaha Shacabka Ee ay ku shiraan Baarlamaanka Soomaaliya ka furmay Kulankii Baarlamaanka oo Maanta illaa Toban Musharax uu Qorshuhu yahay in ay jeediyaan Qudbadahooda ay uga hadlayaan Wax qabadkooda.

Illaa Afar Musharax oo u taagan Qabashada Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda jeediyay Qudbadahoodii,waxaana ay kala yihiin Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,C/fitaax Ibraahim Geeseey,Idiris Cabdi Dhaqkhtar iyo C/rashiid Maxamed Xidig.

Hadda waxaa sidoo kale la guda galay Dhageysiga Qudbadda ay jeedinayaan Lixda Musharax uu u tartamaya Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Berri ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo Dhageysiga Qudbadaha Musharaxiinta,waxaana harsan 12 Musharax oo u Tartami doona Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top