Home / Somali News / Wasiir ka tirsan Xukumadda Puntland oo iscasilay

Wasiir ka tirsan Xukumadda Puntland oo iscasilay

Garowe–KNN–Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf  Faarax (Dujaana), oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa ku dhawaaqay inuu iska casiley xilkii uu wasaaradda ka hayey.

Wasiir Dujaana ayaa sheegay in iscasilaaddiisu ay salka ku hayso cadaadis kaga yimid qoyskiisa oo saluugmo ka muujiyey hab qaybsigii xildhibaanada aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kalena wasiirka ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha  Puntland oo uu sheegay inay si wanaagsan u soo wada shaqeeyeen islamarkaana uu xushmad ugu hayo.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top