Home / Somali News / Natiijada Doorashada Guddoomiye Kuxigeenada Baarlamaanka oo lagu dhawaaqay

Natiijada Doorashada Guddoomiye Kuxigeenada Baarlamaanka oo lagu dhawaaqay

Muqdisho–KNN– Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Natiijadii ay ku soo baxeen Guddoomiye Kuxigeenada Kowaad iyo Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan C/wali Sheekh Ibraahin Muudey oo noqday Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Baarlamaanka ayaa helay 164 Cod,halka Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo la Tartamay uu asna helay 93 Cod.

Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo asna noqday Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka ayaa ku soo baxay Codad dhan 171,iyadoo uu ka Guuleystay  Xildhibaan C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

Guud ahaan 259 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa codeeyey doorashadii maanta, sida uu sheegay guddoonka KMG ah ee baarlamanka Soomaaliya.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka  waxaan ka muuqan wax isbedel ah,iyadoo ay soo noqdeen Prof Maxamed Sheekh Cismaan jawaari oo Baarlamaankii hore ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Shalay uu marka kale ku Guuleystay iyo Mahad Cabdalla Cawad oo asna ahaa Guddoomiye Kuxigeenkii Labaad ee Baarlamaanka.

Waxaa meesha ka baxay Guddoomiye Kuxigeenkii Kowaad ee Baarlamaankii uu waqtigiisu dhamaatay Jeylaani Nuur iikar,waxaana badelay C/wali Sheekh Ibraahin Muudey.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga sugeyaa in ay ku dhawaaqaan Waqtiga ay dhaceyso Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya,kuwaas oo ay ku Go’aamin doonaan Kulamadooda soo socda.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top