Home / Somali News / Baarlamaanka Nigeria oo taageeray in megengelyo la siiyo madaxweynaha Gambia

Baarlamaanka Nigeria oo taageeray in megengelyo la siiyo madaxweynaha Gambia

Xildhibaanada Nigera ayaa codkooda ku taageeray in madaxweyne Yaxma Jammeh la siiyo megengelyo, haddii uu aqbalo in awoodda uu si nabad ah ku wareejiyo.

“Saacadda si xowli ah ayey ku socotaa”, hadaba dadaalka lagu xallinayo qalalaasaha Gambia waa in la xoojiyaa, ayey sheegeen xildhibaanada.

Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari ayaa la filayaa inuu maanta oo Jimcaha gaaro Gambia.

Dadaalkiisa ayaa loogu talagalay in lagu fududeeyo heshiis lala gaaro Yaxya Jammeh, si dalkaasi uusan qalalaaso uga dhicin.

Xafiiska madaxweyne Buhari weli ka muusan hadlin codeynta baarlamaanka.

Hogaamiyaha mucaaradka ee xilka ku guuleystay, Adama Barrow, wuxuu ku adkeysanayaa in 19-ka bishan uu noqonayo madaxweynaha dhabta ah.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top