Home / Somali News / Xildhibaanaddii u horaysay ee Soomaali Maraykan ah oo loo hanjabay

Xildhibaanaddii u horaysay ee Soomaali Maraykan ah oo loo hanjabay

Gabadhii u horaysay ee Soomaali ah ee xildhibaanad ka noqota dalka Maraykanka ayaa sheegtay in lagula kacay hanjabaad iyo fal nacayb ah oo Islaamnimada ka dhan ah.

Arrintaas ayayna kala kulan qof taksiile ka ah Washington DC.

Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanadan laga soo doorto Minnesota ayaa sheegtay in taksiiluhu uu ugu goodiyay in uu xijaabka ka saari doono Arbacadii.

Xildhibaanaddu waxay sheegtay in taksiiluhu uu ugu yeeray in ay tahay kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka, uuna ka siibi doono dharka asturan.

Booliiska Washington ayaa BBC-da u sheegay in illaa iyo hadda aysan soo gaarin wax dacwad ah oo arrintaas laga soo gudbiyay.

Gabadhan oo 34 jir ah ayaa sheegtay in dhacdadaasi ay qabsatay markii ay soo dhamaysay tababar ay ku soo qaadatay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top