Home / Somali News / Al-Shabab “Sodon Askari ayaan ku dilnay qaraxii maanta”

Al-Shabab “Sodon Askari ayaan ku dilnay qaraxii maanta”

Afhayeenka u hadla Al-Shabab marka ay  meel weeraraan C/Casiis Abu Muscab oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay in qaraxii saaka ka dhacay xarun kasoo horjeeda dekeda weyn ee Muqdisho ayaa inay ku dileen askar ka tirsan dawlada Soomaaliya oo uu ku sheegay in loo diyaarinayay inay illaaliyaan doorashada madaxtinimo ee bishaan dhamaadkeeda dhacaysa.

Afhayeenkaan u hadlay Al-Shabab waxaa uu sheegay in weerarkooda bartilmaameedkiisu ahaa saldhig boolis oo u dhaw dekada oo uu sheegay in lagu tababaray askar loogu talo galay in inay amaanka doorashooyinka illaashaan waxaana uu intaa ku daray in sidii ay ugu talo galeen ugu dhacay.

“Waxaan dilnay 30 askarta amaanka ka tirsan 50 kalena waa dhaawacnay ujeedka aan u weerarnayna waa in loo tababarayay illaalinta amaanka doorashada” ayuu yiri C/Casiis Abuu Muscab oo afhayeenadda Al-Shabab ka tirsan waxaanas uu ku adkaystay in goobta qaraxu ka dhacay ay aheyd saldhig ciidamo lagu tababarayay.

Dad badan oo rayid ah ayaa ku waxyeeloobay qaraxii saaka kuwaasoo iskugu jiray xoogsato dekeda ka shaqaysta  ganacsato iyo dad kale oo ka ag dhawaa khasaaruhuna aad buu u badan yahay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top