Home / Somali News / Xiisad Dagaal oo ka taagan Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

Xiisad Dagaal oo ka taagan Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

Matabaan–KNN–Wararka ka imaanaya Degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Magaaladaasi ay ka jirto Xiisad Dagaal oo u dhexeeysa Ahlusunna iyo Maamulk Hirshabeelle.

Ahlusunna ayaa Degmada Matabaan geysay Ciidamo aad u badan,waxaana ay ka Cabsi qabaan in Maamulka Hirshabeelle uu Degmada la wareego.

Maamulka Degmada Matabaan ayaa Radio Kulmiye u Xaqiijiyay Ciidamada faraha badan ee Ahlusunna ay Magaalada keentay iyo Xiisadda inta ay le eg tahay.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Ahlusunna Ciidamadii ugu badnaa oo wata Gaadiid Dagaal ay Magaalada Matabaan keeneen,waxaana dadka Magaalada jooga ay qabaan Cabsi ah in lagu dul dagaalamo.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top