Home / Somali News / Xildhibaanada Labada Aqal oo Maanta la filayo in Muqdisho lagu dhaariyo

Xildhibaanada Labada Aqal oo Maanta la filayo in Muqdisho lagu dhaariyo

Muqdisho–KNN–Maanta oo Khamiis ah waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu dhaariyo Xildhibaanada Labada Aqal ee lagu soo doortay Maamul Goboleedyada iyo caasimadda Muqdisho intaba.

Hogaamiyaasha Madasha Qaran ayaa Kulankii ugu dambeeyay ku Go’aamiyay in 15-ka Bishaan oo Maanta ah in la dhaariyo Xildhibaanada Labada Aqal ee la soo doortay.

Maamulada Puntland,Galmudug,Hirshabelle,Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa soo Gaba gabeeyay Doorashadii ka socotay,iyadoo Magalaada Muqdisho lagu doortay 20 Kursi oo kamid ah Xildhibaanada Beelaha Gobolada Waqooyiga Soomaaliya ka soo jeeda iyo Kuraastii Reer Banaadiriga.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ay Maanta Macquul tahay dib u dhac ku yimada Dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal.

Hayeeshee ma cadda weli in Xildhibaanada Labada Aqal ay Kulankoodii ugu horeeyay yeelan doonaan iyo in uu baaqan doono Kulanka dhaarinta.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top