Home / Somali News / Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay Qaarajisay Sargaal Sare oo ka tirsan Shabaab

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay Qaarajisay Sargaal Sare oo ka tirsan Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyn Isniintii lasoo dhaafay ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe, waxaana duqeyntaasi Mareykanka uu sheegay in sarkaal sare lagu dilay.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeynta ka dhacday meel ku dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

John Kirby, xoghayaha difaaca Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadooda ay beegsadeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo ku sugnaa gobolka Jubbada Dhexe.

” Waxaan Beegsanay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab , howlgalkaasi waxaa fuliyay diyaaradaheena dagaalka , laakiin ma xaqiijin karo in uu jiro khasaare soo gaaray dadka shacabka ah.” ayuu yiri John Kirby.

Sidoo kale Mr Kirby, ayaa sheegay in howlgalkaasi ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ma uusan sheegin magacyada saraakiisha Al-shabaab ka tirsan ee lagu dilay duqeyntaasi, laakiin wuxuu sheegay in todobaadyada soo socdo ay shaacin doonaan.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeyno kala duwan ka geystay gudaha dalka Soomaaliya

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top