Home / Keydka Sawirada / Madaxweynaha Hirshabeelle oo tababar ugu soo xirey Beledweyne ciidamo Hirshabeelle”Sawiro”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo tababar ugu soo xirey Beledweyne ciidamo Hirshabeelle”Sawiro”

Madaxweynaha  Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowlada ayaa maanta  ka qeyb galay munaasabad tababar loogu soo xirayay ciidamadii ugu horeeyay oo loo tababaro  Maamulka Hirshabeelle.

Guudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle uga warbixiyay xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidamada  durufaha heysta Ciidamada.

“Ciidamadii ugu horeeyay ee ciidamada nabadsugida annagaa howlgalinay waxaana ay yihiin qaar aan haysan dareeskii ciidamada.”ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo la hadlay ciidamadan ayaa sheegay in maanta laga bilaabo Ciidamadan  Tababarka loo soo xiray ay ka mid noqonaya Ciidamada Maamulka hirshabeelle islamarkana ay ku dadaali doonaan xuquuqda ay leeyihiin.

tababar-askar-1 tababar-askar-5 tababar-askar-7 tababar-askar-8 tababar-askar-9 tababar-askar-10 tababar-askar-11 tababar-askar-12

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top