Home / Somali News / Madaxweynaha Puntland oo Xilkii ka qaaday Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug

Madaxweynaha Puntland oo Xilkii ka qaaday Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug

Madaxweyne Gaas ayaa taliye cusub usoo magacaabay ciidanka booliska gobolka Mudug, kadib marki xil ka qaadis lagu sameeyay taliyihii qeybta booliska gobolkaas gaashaanle sare Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame.

Xilkaan ayaa loo magacaabay Kornayl Cismaan Xasan Cowke (Afdalow) oo horey u ahaa taliyihii ciidanka birmadka Puntland, balse markii dambe xilkaas looga qaaday rabshadihii dhexmaray isaga iyo taliyihii hore ee ciidanka booliska Puntland Gen. Afgaduud.

Sargaal katirsan booliska  ayaa u xaqijiyay Saxafadda  Saaka  uu xilka la wareegidoono taliyaha cusub. Wuxuu sidoo kale sheegay in taliyaha xilka laga qaaday cabdiwaaxid Cabdulle isagana loo magacaabay taliyaha hogaanka booliska gobolka Mudug.

Taliyaha Xilka laga qaaday ayaa horay waxaa Xilka uga qaaday Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland inkastoo uu diiday.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top