Home / Somali News / Baarlamaanka oo Maanta Dhageysanaya khudbadaha musharixiinta guddoonka baarlamaanka

Baarlamaanka oo Maanta Dhageysanaya khudbadaha musharixiinta guddoonka baarlamaanka

Maanta oo Axad ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay u balansan yihiin in ay dhageystaan Khudbadaha Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Cusub.

Jadwelkii Baarlamaanka uu soo saaray ayaa waxaa ku Xusnaa in 8 illaa 9 Musharaxiinta ay soo jeediyaan Khudbada ay uga hadlayaan Wax Qabadkooda.

Xilka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah halka uu ka jiro tartanka ugu adag ee doorashada sanadkaan, waxaana ruuxa kusoo baxaa uu go’aamin karaa cidda ku guuleysanaysa ku xigeenka baarlamaanka iyo hogaanka dalka.

Waxaa jiro loolan adag oo u dhaxeeya musharixiinta madaxweynaha dalka, kuwaasi oo doonaya in ruux ay isku fikrad yihiin uu kusoo baxo xilka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cismaan Cilmi Boqore, ayaa sheegay in sidoo kale xildhibaanada baarlamaanka loo gudbin doono liiska musharixiinta iska diiwaan gelisay xilka guddoonka baarlamaanka.

Inka badan 20 musharax ayaa u taagan xilalka guddoomiyaha baarlamaanka, ku xigeenka koowaad iyo ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top